Saliida loo yaqaan saliid zeytuun
1.Saliid zeytuunka waxaa kujira dufan caafimaad qaba oo loo yaqaan(monounsaturated)dufankaan wuxuu gacan kageestaa inuu yareeyo karastaroolka xun ee (LDL) islamarkaana wanaajiyaa karastaroolka fiican ee(HDL) waxaay kaloo leedahay fitamiin muhiim ah kasoo loo yaqaan vitamin E iyo K kuwaaso kacaawiya jirka inuu yeesho difaac adag iyo unug yada jirka oo dhan oo caafimaad qaba.2.daryeelka wadnaha
Cilmi baaris badan ayaa cadeeyay in cunista saliid zeytuunka ey hoos udhigto khatarta cudurada wadnaha.dufanka caafimadka qaba ee kujira wexey hagaajiyaan shaqada halboowlayaasha wexeeyna yareeyaan cadaadiska dhiigga dad badan oo kunool Mediterranean oo saliida zeytuunka si zaaid ah u isticmaala ayaa waxaa lagu arkay heerar hoose ee cudurada wadnaha marka labarbar dhigo bulshooyinka kale
3.kahortaga cudurada kansarka
Saliid zeytuunku wexey leedahay antioxidant badan gaar ahaan polyphonls maadooyinkaan wexeey kahortagaan dhaawacyada unugyada oo sababa oxidative stress taas oo ah sabab weyn oo loomaleynaayo iney qeyb weeyn katahay homarka kansarka inkastooy saliid zeytuunka cudurka kansarka daaweeyn hadane wexey door weyn kuleedahay yareeynta cudurada dilaaga ah
4. caawinta dheefshiid
Saliid seytuunka waxaa loo arkaa iney tahay saliid dabiici ah oo u fiican dheef shiidka wexeey jilcisaa mindhicirada wexeeyna yareeysaa calool fadhiga dad badan ayaa isticmaala saliid seytuunka subaxiii ayagoo calol maran si ay uga hortagaan xanuuna caloosha wexeyna fududeeyaan shaqada eey hayaan mindhicirada
5.faaidooyinka maqaarka iyo timaha
Saliid seytuunku looma isticmaalo kaliya cuntada ee waxaa sidoo kale loo isticmaala marsiga.timaha iyo jirka oo idil waana mid waxtar uleh quruxda jirka marka si joogto ah loo Mariyo jirka waxaa qoya oo jilca maqaarka wexeyna yareeysa gabowga dagdaga ah oo lagawado qufkii oo u ekaada da uusan gaaarin dhanka timaha wexeysiisa nafaqo wexeyna kahortagtaa qaleylka iyo ineey timahu jajabaan sidaas daraaaded saliid saytuunku wexeey qeeyb weyn katahay daryeelka quruxda dabiiciga ah
6.kahortaga bararka jirka
Mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee leedahay saliid seytuun waxaa kamid ah ineey yareyso bararka jirka guud ahaan(inflammation) midka mid ah cilmi baarista ayaa sheegay iney kujirto maado lamid ah daawada layiraahdo ibuprofen taas oo usahleysa inuu kahortago xanuunada jirka iyo bararka
7.isticmaalka cuntada
Saliid seytuunku wexey muhiim utahay in lagu diyaariyo cuntooyin kal duwan sida kukarinta kudubista ama iidaan in lagadhigto ayada xittaa saliid seytuunka cusub oo aan lakarin waa mida ugu nafaqada badan
8.saameeynta xusuusta iyo maskaxda
Daraasado dhawaan ah ayaa tilmaamaya in saliid seytuunku kor uqaado shaqada maskaxda gaar ahaan dadka da,da ah isticmaalkeeda wuxuu hoos udhigi karaa cuduro badan sababtoo ah wexey ilaalisa unugyada maskaxda oo aay ka difaacda wax yeelada
9.Gunaanud
Saliid seytuunku waa hibo dabiici ah oo qofka joogteeya u keeni karta jirkiisa inuu kafayoobaado cuduro badan wexey u fiicantahay caafimaadka wadnaha,maskaxda,dheefshiidka, waana qeyb muhiim ah oo u fiican caaafimaadka saliid seytuunka nolal maalmeedka wexey utahay maalgashi fiiican una fiican caafimaadka
No comments:
Post a Comment