Qeylada badan iyo buuqa joogtada ah wexey saameyn kuyeelataa caafimaadka maskaxda ilmaha yar maskaxda ilmaha yar ayaa aad ujilicsan oo wali kujirta marxalad hormarineeed sidaas darteed waxyaabaha kuhareereysan si dagdag ah ayeey utaabtaan
Marka ilmahu si joogta ah ugu noolaado qeylo iyo sawaxan badan waxaa kudhici kara culeeys maskaxeed (mental stress) qeylada wexey kordhisaa hormuunka(cortisol) oo ah culeys ka hormoonka (stress hormones) haddii hormoonkaan kor ukoco muddo dheer waxuu keeni karaaa walaac joogta ah iyo xanaaq badan iyo awood yari
Sidookale qeylada badan wexey dhaawacdaa dareenka maqalka iyo xasuusta ilmahu markuu joogto umaqlo qeylo ama buuq badan maskaxdiisa ayaa ubaahan xoog dheeraadka ah si,ay usifeeyso codadka muhiimka ah taasoo keenta daal iyo xusuus daciif ah
Waxaa kaloo ay sababi kartaa hurdo la,aan taas oo sii xumeysa caafimaadka maskaxda ilmaha yar iyo jirkoda dhibaato kale oo muhiim ah inaad ogaato ayaa wexeytahay qeylada badan in eey saameyso hormarka shucuurka ilmaha caruurta kubarbaarta deegaano qeylo badan ayaa wexey unugul yihiin ineey yeeshaan xanaaq,farabadan niyadjab iyo dhibaatooyin laxiriira laxiriirka bulshada
Gabagabo
Qeylada joogtada ahi wexey halis weeyn kutahay hormar maskaxeedka ilmaha iyo shucuurka ilmaha waa muhiim in waalidku iyo macalimiintaba kayareeyaan qeylada iyo buuqa agagaarka caruurta si ay ugukoraan deegaan dagan oo caafimaad uleh maskaxdooda iyo mustalbakood
Waxaaan idiin rajeynaaa inaad kaheshaan maqaalkeyga kuna faaaidaan nabadgalyo
No comments:
Post a Comment