Sidaan ogsoonahay xabad soodada waxaa lagusheegay sunada iney tahay daawada cudur kasta markii laga reebo gabowga iyo geerida inkastoo aysan dareen saneen intabadan dadkeena in xabadsoowdada la arkay waxtarkeeda daraasaad dheer kadib waxaa lagu ogaaday xitta cudurada tirod ka iney utahay daawo la xaqiijiyay taaso looga maarmi karo qaliimada casriga ah ee lagu sameeyo tirodka waxaa kaloo lagudaaweeya xanunka gaaska xogo muhiim ah ayaa wexeyleeyihiin
In qofka asoo baahan aroortii hadii uu isticmaalo qadar far iyo suul ah kuna joogo muddo 30daqiiqo ah in boogaha uur kujirta uu kasoobixiyo gaaska looga bogsoodo sidookale wexey dishaa bacteria calooleydka
Waxaan sidoo kale kula wadaagi doona dhoor talo muhiim ah inaad ogaato si aad u fahanto faaidada kaaga qarsoon xabadsoowda
1.kor uqaadista difaaca jirka
Xabad soodada wexey si weyn u caawisaa xoojinta difaaca jirka cilmi baaris badan ayaa muujisay in saliida laga sameeyo miraha xabadsoowdada in eey leedahay walxaha kahortaga dilista bacteria da feeriska iyo fangaska taasi wexeykadhigtaa mid si fudud ugahortagi kara cudurada kudhaca neef mareenka sida hergabka, infactions kudhaca neef mareenka iyo cudurada kale ee halista ah
2.kahortaga iyo daweeynta cudurada faafa
Saliida xabadsoowdada wexey leedahay saameeyn dabiici ah oo ladagaalama infactions iyo fayriska waxaa lagutijaabiyay cuduro kala duwan sida duumada T.P da xitta cudurada faafa ee kudhaca caloosha dadbadan baa kutilmaamay ineytahay antibiotic fiican oo dabiici ah oo aan laheyn wax waxyeelo ah
3.faaidoyinka wadnaha iyo dhiigga
Xabadsowdada wexey caawisaa hoos udhigista cadaadiska dhiiga (blood pressure ♥️) iyo karastaroolka waxaakujiro waxyaabo dabiici ah oo hagaajiya wareegga dhiigga islamarkaana hagaajiya oo yareeya khatarta cudurada kudhaca wadnaha iyo halbowlayaasha dadka u isticmaala sida joogtada ah ayaa waxaa lasheega iney yihiin kuwa badqaba yihiin haddi sikale loodhigo caafimaadqaba wexeyna helaan caafimaad kusaabsan xididada
4.daryaalka caloosha iyo dheefshiidka
Xabadsowdada miraha ah wexey sifiican ushaqo galisaa dheefshiidka iyo mindhicirada wexey daawo utahay gaas calooleydka iyo lalabada iyo mataga wa,xaa sidookale nadiifisaa wasaqda kukeedsan dhamaanjirka oo idil tas o qufka siineyso dareen caafimaad iyo fayoobi
5.daaweynta xanuunada kudhaca maqaarka
Xabadsowdada saliida lagahelo waxaa lagudaaweya maqaarka sida finanka cuncuna kuwa xanuuna kuwa olola wexeyna leedahay awood cafimaad iyo bogsiin
6.kahortaga cudurka kansarka
Cilmi baaris caalami ah lasameeyay aa sheegay in xabadsoowdada leedahay waxyaabo hortago yareenta cudurka kansarka inkastoo aan lasheegin wali natiijo dhameystiran hadana daraasado fiican ayaa rajo weyn kamuujinaaya mustqbalka
7.daryeelka maskxda iyo xusuusta
Xabadsoowdada waxaa sidookale ay caawisa xoojinta maskaxda iyo hagaajinta xusuusta wexey kahortagtaa daalka xusuusta iyo cudurada kudhaca maskaxda
8.faaidada transaction iyo awoodda raganimo
Cilmi baaris dheer baa sheegtay in eey saro uqaado tayada taranka waxaa sidoo kale ay hagaajisaa sixida wareega caadada dumarka wexeyna kadhigtaa riximka mid nadiifka wexeyna kordhisaa ogxaanta dumarka wexeyna sare u qaada ogxaanta wexeyna daawo utahay infactions kudhaca dumarka sida caado warerka dhabar xanunka iyo wixii lamid ah
9. U Isticmaal siyaabo badan
Budo ahaan ama saliid ahaan ama ayadoo miro ah ruug waxaa lagudarsada cuntooyinka ama maraqa saliideeda waxaa lagu duugaa jirka dadbadan ayaa qaato subaxii qaado saliid ah taasoo loo arkay daawo dabiici ah
10.Gunaanud
Xabadsowdada waa nimcooyinka waaweyn ee ilaahay nasiiyay naguna galaday faaidooyinkeeda badan waa mid aan lasookobi karin waana mid faado uleh jirka oodhan inkastoo aytahay daawo hadana waxaa fiican in loo isticmaalo si iskudhelitiran iyo qadar maxaa yeelay hadii leyska badiyo waxaa suurto gal ah in dhibaato kale ay sabab unoqoto
No comments:
Post a Comment