Maternal cere

 


Xanaanada hooyada iyo muhiimadeeda xanaanada hooyada waa mida ugu muhiimsan nolasha haweeneeyda iyo gabi ahaan bulshada. Waa daryeelka iyo ilaalinta  iyo caafimaadkeeda hooyada iyo  waxa ey uurka  kusido lagabilaabo xiliga uurka iyo ilaa dhalmada iyo mudada nuujinta 

Ulajeedada ugu weyn waa in lahubiyo  uurka iyo caafimaadka hooyada uurka leh si ay uyaraato khatarta caafimaad ee dhalan karta dhalmada

 Marka haweeneydu uur yeelato jirkeeda  iyo nafteeduba wexey lakulmaan isbedelo badan oo dabiici ah isbedeladaan wexey u baahanyihiin daryeel joogto ah sida lasocodka caafimaadkeeda cuntada eey cuneyso sida nasashada iyo daryeel caafimaad  oo sax ah xanaanada hooyada wexey kacaawisa iney hesho talooyin caafimaad  baaritaano oo joogto ah

Oo lagu ogaanaayo  haddii eyjirto dhibaato caafimaad oo u baahan baaritaano dagdag ah dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka  wexey markasta talo kubixiyaan in haweenka uurka leh eey booqdaan goobaha caafimaadka  uguyaraan 4 jeer inta lagujiro mudada uurka booqashooyinka waxaa lagusameeya baaritaano muhiim ah sida cabirka cadaadiska dhiigga,sonkorowga xiliga urka,miisaanka,koritaanka ilamaha,iyo heerka nafaqo ee hooyada tani wexey

Gacan kageysataa in la ogaado xaalada caafimaad ee hooyada uurka leh sida dhiigyaraanta ,sonkorowga uurka  ama cadaadiska dhiigga oo sareeyo kuwaas oo halis caafimaad galinkara hooyada iyo ilmaha yar ee uurka kujira labadaba

Cunto caafimaad leh ayaa ayadana qeeyb muhiim ka ah xanaanada hooyada haweeneyda uurka leh waa iney cuntaa cunto iskudheelitiran oo ay kujiraan buritiin kalshiyoom  fatimiin iyo macdanno badan cuntada caafimaadka leh wexey kacaawisa in ilmaha ukoraan siwanaagsan 

Wexeyna hooyada siineysaa tamar iyo difaac jireeed sidookale waa muhiim in hooyada iska ilaaliso cabitaanka sigaarka qaadashada daawo uusan dhaqtar uqorin iyo cuntooyin aan caafimaadka u fiicneyn

Marka lagaaro waqtiga dhalmada xanaanada hooyada weey siixoogeysaneysaa waxaana lagulatalinayaa in haweeneydu kushasho goobaha caafimaadka ee qibrada u leh dhalinta si ay uyaraato khataraha caafimaad ee ka imaankara dhalmada  daryeelka kadib markeey dhasho hooyada (postnatal cere)waa qeeyb kale oo muhiim ah waayo hooyada iyo ilmaha cusub wexey ubaahanyihiin kormeer caafimaad iyo taageero nafsaaani ah

Inta lagujiro mudada nuujinta  hooyada waxaa lagudboon in ey sijogta ah unuujiso ilmaheeda cusub sababtoo ah caanaha hooyada waa cuno dabiici ah oo kakooban dhamaan nafaqooyinka uu u baahanyahay ilmaha yar waana naxariista rabi ee nagu maneystay in uu udiyaariyay ilmaha yar nafaqo kufilan jirkooda oo caafimaad qabta Lixda bil ee ugu horeeya  waa umuhiim in ilmaha loojoogteeyo in kufilan mudadaas lixdabil waxaa kaloo ey ubaahanyihiin hooyada iyo ilamaha cusub helitaan nadaafad iyo nasasho iyo taageero qoys iyo midbulsho

Ugudanbeyn xanaadada hooyada waa tiirka dhexe ee nolasha iyo caafimadka daryeelka lasiiyo hooyada uurka leh inta lagu jiro xiliga uurka iyo dhalmada waxaa larajeynayaa iney dhalaan ilmo caafimaadqaba taas oo sabab unoqonkarta inlahelo bulsho caafimaad qabta daryeelka iyo xanaanada waa hooyada uurka leh waa maalgashi bulshadeed iyo mustaqbal wanaagsan  waana waajib qoyseed iyo mid bulsheed in ladaryeelo hooyada uurkaleh iyo dhamaan bani aadamka waxaan idiin rajeynayaa inaad kafaaideysataan talooyinka aan idiinla wadaagnay nabadgalyo

No comments:

Post a Comment